daajis.com:- Wararka ka imaanaya wadanka Urdun ee katirsan mandiqadda shaam ayaa sheegaya in toogasho ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Camman lagu dilay saraakiil Mareykan ah.
Booliska xukuumadda Urdun ayaa xaqiijiyay in askari Urduni ah uu toogasho ku dilay laba sarkaal oo Mareykan ah iyo sarkaal kale oo u dhashay wadanka Koonfur Afrika.
Wakaaladaha wararka ayaa sheegay in toogashadu ka dhacday xera melleteri oo tababr uga socdeen Ciidamo katirsan xukuumadda Ciraaq.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in askariga toogashada geystay isna la dilay,sarkaal u hadlay xukuumadda Urdun wuxuu sheegay in weerarka ka dhacay magaalada Cammaan uusan ku lug laheyn waxa loogu yeero Argagaxisada.
Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Mareykanka oo ku aaddan saraakiisha looga dilay magaalada cammaan,Urdun ayaa udub dhaxaad ku ah xamlada islaam la dirirka ah ee Mareykanka iyo xulufadiisa ka wadaan mandiqadda Bariga dhexe.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:42 and have

