daajis.com:- Masuuliyiinta Maamulka Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubadda hoose, ayaa sheegay inuu isku soo dhiibay Sarkaal ka tirsan Ururka Shabaab, kaasi oo ku sugnaa deegaano hoostagga Degmada Afmadoow.
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Degmada Afmadoow Muuse Macalin Aadan, ayaa wuxuu tilmaamay Sarkaal Shabaab ka tirsan inay ku soo dhaweeyeen Degmada Afmadoow, kadib markii uu xiriir la soo sameeyay maamulka.
Waxa uu sheegay Sarkaalkaan oo dhibaato adag ay ka muuqato korkiisa inay soo dhaweeyeen, isaga oo intaasi warkiisa ku daray in jirdil iyo dhibaatooyin ay u geysteen Shabaabka sarkaalkaasi.
Sarkaalka isa soo dhiibay ee Shabaab ka tirsanaa ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Barqadle Shugri Aadan, wuxuuna ka mid ahaa Saraakiisha ka howlgasha Deeganada Jubbooyinka.
Sababta uu Shabaabka uga soo goostay ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii loo jirdilay arimo ku saabsan qabiil, taasina ay keentay inuu qaato go’aan ah Shabaab in uu isaga soo baxo.
Maamulka Degmada Afmadoow waxa ay sheegayaan inay hada ku hayaan Sarkaalkaan xarunta Maamulka oo wareysi iyo baaris ay ku socoto.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:00 and have

