Shanqar aan la fahmin oo laga maqlay Diyaaradii ku dhacday Saxaraha Siinaay

Shanqar aan la fahmin oo laga maqlay Diyaaradii ku dhacday Saxaraha Siinaay

daajis.com:- Masar ayaa xaqiijisay warar sheegaya in dhawaq laga maqlay macluumaadka uu duubay sanduuqa madow ee diyaaraddii todobaadkii hore Ruushka kaga burburtay saxaraha Siinaay.

Ayman el Mokadem oo ah ninka horkacaya baaritaanka lagu ogaanayo waxa dhaliyay shilka diyaaraddii Ruushka ee ku dhacday Siinaay, ayaa sheegay in burburka diyaaradda uu ku baahay dhul masaafadiisu gaareyso 8 mayl.

Tani ayaa muujineysa in diyaaraddu ay burburtay xilli ay ku duuleysay joog aad u sareeya sare.

Waxa uu intaa ku daray in qalabka ku xiran sanduuqa madow ee diyaaradda uu ilbiriqsiyadii ugu dambeeyay duubay shanqar aan la fahmin oo diyaaradda dhaxdeeda ah.

Khubarada shilalka diyaaradaha ayaa sheegaya in ay sahlan tahay in la ogaado in shanqartaasi ay tahay qarax bambaano iyo in kale.


Xukuumadda Masar ayaa sheegaysa in weli aan go’aan laga gaari karin waxa dhaliyay burburka diyaaradda, waxaana ay dhaliil u jeedisay dalal Yurub ku yaalla oo aanay magacaabin, kuwaas oo ay ku eedeysay in aanay la wadaagin xogta sirdoonkooda.

Britain iyo Mareykanka ayaa tuhunsan in bambaano lagu soo riday diyaaradda.

Diyaaradda oo kasoo duushay magaalada Sharm al-Sheikh kuna socotay St Petersburg ayaa burburtay 23 daqiiqo markii ay hawada ku jirtay, waxaana ku dhintay dhammaan 224-kii qof ee saarnaa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada