daajis.com:- Maamulka Hiiraan ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Shiikh uu sheegay in lagu noqonayo Guddiga Farsamada Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.
Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee Gobolka Hiiraan Shiikh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in guddiga lagu laabanayo isla markaana uu Madaxweyne Xasan Shiikh Fara-gelin Toosan ku sameynayo sida loo qeybsaday oo durba ay ka hor yimaadeen Beelaha qaarkood.
“Madaxweynaha ayaa dhinaca toosan sheegay in laga eegayo sidii ay wax wanaagsan gobolladan uga qabsoomi lahaayeen, Guddigan haddii uu tooso waxay la macne tahay in Maamulka oo dhan uu toosayo si wanaagsana ay dadka Gobolladani wax u wada dhisanayaan, Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa isaga deg-degtay kii hore, hadda waa lagu laabtay sidaan u jeednana waxaa kasoo baxay dadkii gobollada gaar ahaana reer Hiiraan Tabasho, taas xaq ayey u lahaayeen” ayuu hadalkiisa raaciyey.
Beelaha waxaa uu sheegay in la is hor keenayo waxayna dhisan doonaan Guddi ay raalli ka yihiin, sida ay u degaan iyagaa garanaya ayuu hadalkiisa ku daray
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 23:54 and have

