Shirkadda Apple oo raalli-gelin siisay dhallinyarro Soomaali iyo Sudanese ah

Shirkadda Apple oo raalli-gelin siisay dhallinyarro Soomaali iyo Sudanese ah

daajis.com:Shirkadda Apple ee Farsameysa Telefoonadda casriga  ee iPhone, iPad, Mac iyo Teknoolajiyad kale ayaa waxay si rasmi ahaan raalli-gelin uga bixiyeen Fal xadgudub ah oo Arday u dhalatay Somalia iyo Sudanede uu kula kacay Ilaaliye ku sugan Bakhaarka Apple Store ku leeyihiin Xarunta Duukaamaysiga ee The Highpoint Shopping Center ee magaalladda Melbourne ee Koonfurta dalka Australia.

Hadal ka soo baxay Xafiiska Dhexe ee Shirkadda Apple oo ku yaalla magaalladda Cupertino ee Gobalka California ee dalka Maraykanka ayaa waxay raalli-gelin ku bixiyeen Tacadiga 6-dhallinyarro loogu geystay Goobtooda Ganacsiga ee ku taalla Australia.

Madaxa Fulinta ee Shirkadda Teknoolajiyadda ee AppLe, Tim Cook waxa uu Qoraal raalli-gelin ah soo dhigay Websaytkiisa, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay inaan dadka la hayb-soocin marka ay booqanayaan Xarumaha Ganacsiga ee Shirkka Apple.

Muuqaal Video ah oo laga duubay Dhacdadaasi, laguna baahiyey Shabakadaha Facebook iyo Twitter ayaa waxay muujinaysaa iyadoo uu Ilaaliyuhu ka hor-joogsaday Dhallinyaradaasi inay galaan Bakhaarka Apple Store, kadibna haraati ku dhufanayo qaar ka mid ah Dhallinyaradaasi.

Filimkaasi waxaa duubay mid ka mid ah Ardaydaasi oo dhigta Dugsiga Maribyrnong College oo ku yaalla magaalladda Melbourne ee Koonfurta Australia.

Muuqaalkaasi ayaa waxaa daawatay ku-dhawaad 60,000 oo qof, kadib, kuwaasi oo ka carooday Faquuqa lagu sameeyey Dhallinyaradaasi oo dhamaantooda ku wada dhashay dalka Australia.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada