Wiil dhalinyaro Soomaali ah oo loo diiday sharciga Jarmalka oo is daldalay

Wiil dhalinyaro Soomaali ah oo loo diiday sharciga Jarmalka oo is daldalay

daajis.com:- Wararka ka imanaya dalka Jarmalka ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah oo Soomali ah uu isku daldalay magaalo ku taal dalka Jarmalka kadib markii loo diiday sharciga degenaanshaha wadankaas.

Booliiska dalka Jarmalka ayaa la sheegay inay baaritaan ku sameynayaan kiiska wiil Soomaali ah ee isku dilay magaalada Hanover ee bariga dalkaas.

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo ka raadsaday sharci ayaa dhibaato ku qaba sidii ay ku heli lahaayeen sharci maadaama ay hore wadamo kale faro loogaga soo qaaday.

Soomaali badan oo u tahriibtay qaarada Yurub ayaa ka raadsaday nolol wanaagsan dalka Jarmalka hase ahaatee waxaa ka horyimid sharciyada dalka oo ka adadag marka loo fiiriyo wadamada kale ee qaarada Yurub.

Wararka ka imanaya dalka Jarmalka ayaa sheegaya in labo toddobaad kahor ay labo wiil oo Soomali ah oo meel wada degenaa ay iskhilaafeen kadibna mid kamid ah uu diley wiilkii kale. Hase ahaatee markii ay ciidamada gacanta ku dhigeen ayuu wiilkii wax diley isagiina isku diley xabsiga dhexdiisa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada