daajis.com:- Isaaq Cabdinuur oo 35 jir ayaa la soo taagay Maxkamadda Woodbury County District Court ee magaalladda Siyokis ee Gobalka Iyowa (IOWA), kadib, markii lagu soo oogay inuu dilay Gabar Maraykan oo la oran jirey Korneliya Isteed oo 43-jir ahayd.
Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu gabadhaasi oo ay is-jeclaayeen dilay bishii June 23-dii ee sannadkan, kadib, markii uu dhex maray muran khaas ahaa.
Dukumentiyo la hor keenay Maxkamadda ayaa waxay Baarayaasha ku sheegeen inuu muran dhex maray Lammaanahaasi, kadibna uu feer iyo Toorey la dhacay gabadhii.
Eedeysanaha waa uu beeniyey inuu isagu dilay Saaxiibtiisa.
Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Gobalka Woodbury, James Loomis ayaa sheegay in Eedeysanaha lagu samaynayo Baaritaan Madax-bannaan ee dhinaca fal-dembiyeedka, waxaana loo diray inuu soo baaro Dr. Tim Kockler oo ka hawlgala Xarunta baaritaannadda Dembiyadda iyo Maydadka ee The Iowa Medical and Classification Center
Dhinaca kale, Eedeysane Isaaq Cabdinuur ayaa la filayaa in mar kale Maxkamadda la soo taago bisha Janaayo 26-da ee sannadka soo socda ee 2016-ka, waxaana uu muteysan karaa Xabsi Daa’in aan cafis lahayn haddii lagu helay Dembigaasi.
Xigasho: Dalsan
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:29 and have

