daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya Degaanka Kabsuuma Ee Gobolka Jubbadda hoose ayaa sheegaya in Dagaalameyaal ka wada tirsan Xarakada Al-shabaab ay halkaa ku dagaalameen.
Goobjoogeyaal ayaa noo Xaqiijiyay in Dagaal mudo qaatay uu Degaanka Kabsuuma ku dhexmaray Dagaalameyaal ka wada tirsan Al-shabaab,waxaana Dagaalka uu Sababay Khasaaro Dhimasho iyo dhaawac ah.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu Salka ku hayo Khilaaf soo kala dhex galay Al-shabaab oo ku aadan in ay Kooxda Daacish ku biiraan iyo in ay ka sii mid ahaadaan Ururka Al-qaacida.
Afhayeenka Guud ee Xarakada Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa Maalmo ka hor in ay Gacan bir ah ku qabanayaan Dadka doonaya in ay kala qeybiyaan Al-shabaab.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 23:05 and have

