Wasiirka Amniga Somaliya oo shaaciyay tirada raggii weeraray Hotel Saxafi

Wasiirka Amniga Somaliya oo shaaciyay tirada raggii weeraray Hotel Saxafi

daajis.com:- Wasiirka Amniga Gudaha Somaliya C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay ciidamada ammaanka Dowladda inay soo afjareen weerarkii rag hubaysan oo Shabaab ka tirsan, saaka arootii ay ku soo qaadeen Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Somaliya, ayaa sheegay ragga weerarka Hoteelka soo qaaday inay gaarayeen 5 ruux, islamarkaana ciidamada ammaanka Somaliya ay ku guuleysteen inay soo afjaraan dhamaan raggaasi.

Waxa uu sheegay laamaha ammaanka Dowladda inay ku howlan yihiin Uruurinta macluumaadka ku saabsan inta uu la eeg yahay Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay weerarka Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Saxafi.

“Dadkii soo weeraray Saxafi dhammaantood halkaasi ayaan ku dilnay, hay’adaha amniga ayaa wada Tirakoob dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah, Shan qof bay ahaayeen kuwa weeraray Hoteelka, Hotelka dadkii ku jiray waa lasoo badbaadiyay, waana lasoo afjaray howlgalka.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga oo la hadlay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho.

Weli waxaa socda tirakoobka dadkii ku dhintay qaraxan, inkastoo Dowladda Somaliya si cad aysan u sheegin inta uu la eeg yahay Khasaaraha ka dhashay weerarka Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Saxafi.

Magaalada Muqdisho kuma cusba weerarada noocaan oo kale ah ee Shabaabka ay geystaan, oo Shabaab waxa ay horay u weerareen, Madaxtooyada Somaliya, xarunta Baarlamaanka, Xarumaha Garsoorka dalka, Hoteelo iyo goobo kale oo Wasaarado ah.

Laamaha Sirdoonka Dowladda ayaa aad ugu fashilan helida macluumaadka la xiriira weerarada ay Shabaabka qorsheeyaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada