Xaaladda Ruushka iyo Turkiga oo Sii Kululaaneysa iyo Safaaradda Turkiga oo la Burburiyay (VIDEO)

Xaaladda Ruushka iyo Turkiga oo Sii Kululaaneysa iyo Safaaradda Turkiga oo la Burburiyay (VIDEO)

daajis.com:- Waxaa Maanta Magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka mudaaharaad ka dhigay dadweyne ka careysan ficilkii ay dowladda Turkiga ku soo riday diyaaraddii dagaalka ee laga lahaa dalka Ruushka.

Dadkan mudaaharaadayaya ayaa waxay maanta isugu soo baxeen afaafka hore ee Safaaradda uu Turkigu ku leeyahay Magaalada Moscow Ee Xarunta Wadanka Ruushka.

Bannaanbaxayaasha ayaa ukun iyo dhegxaan ku weerarey Dhismaha Safaaradda, iyagoona burburay qaar ka mid ah daaqadaha safaaradda.


Ciidan ammaanka sugga oo la geeyay xeendaabka Safaaradda, ayaan waxba ka qaban waxyeelada loo gaystay Dhismaha Safaaradda, iyagoona sheedda uun ka eegaayay, balse waxay is hortaag ku sameeyeen in gudaha loo galo.

Tallaabada uu Turkigu ku soo riday diyaaraddii Ruushka ayaa waxay xiisad aad u xoogan ay ka dhex dhalisay labada dal, iyadoo dowladda Ruushka ay sheegtay inay ka fiirsan doonto Cilaaqaadka u dhaxeeya Labada dal.


Madaxweynaha dalka Ruushka ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay Cilaaqaad xoogan la leedahay Kooxaha Xag Jiriinta ah Daachish, taasna ay tahay Sababta loo soo riday diyaaradooda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada