Al-Shabaab oo Shaacisay in Qolyaha Damacsan inay ku Biiraan ISIL la la Xaajoonayn (VIDEO)

Al-Shabaab oo Shaacisay in Qolyaha Damacsan inay ku Biiraan ISIL la la Xaajoonayn (VIDEO)

daajis.com:- Hogaamiyaha Ururka Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Shabellaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa shaaca ka qaaday in Qolyaha Damacsan inay ku Biiraan Ururka ISIL la la Xaajoonayn sheegayna in halmeel looga soo wada jeedsan doono cid kasta oo damacsan in ay kala qaybiso Al Shabaab.


Wuxuuna yiri:- “Cid waliba iyo cidii ku xadgudubta midnimadeena ama doonaysa in safka Mujaahidiinta ay inshiqaaq ku dhex samayso, Wallaahi halfar baan ka nahay, waana iska celinaynaa Insha’Allah Arintaasna waa go’aan cad oo Mujaahidiintu ay gaareen, midnimada iyo raayada Mujaahidiintu maanta waa hal, hal Amiir ayayna lee yihiin, qof waliba oo doonaya in uu kala jabiyana Wallaahi ka yeeli mayno.”


Wuxuu intaas ku daray in kuwa doonaya inay ISIL ku biireen laga rabo inay u taggaan cidda ay ku biireen, balse aan laga yeeli doonin in calan aan ahayn midka Al Shabaab ay dalka ku dhex haystaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada