Xasbunnallah: Kaniisad Caan ah oo Lacag badan u raadineysa Qoys SOMALI AH

Xasbunnallah: Kaniisad Caan ah oo Lacag badan u raadineysa Qoys SOMALI AH

daajis.com:- Kaniisadda The Saint Albert United Church ee ku taalla magaalladda Sant Albert ee dalka Canada ayaa la sheegay inay Olole ugu jiraan sidii Tabarucaad loogu ururin lahaa Qoys Somali oo uu Aabahooda geeriyooday bilowgii Toddobaadkan.

Marxumka geeriyooday oo La-taliye dhinaca Dhulka u ahaa Dowladda Hoose ee magaalladda Edmonton ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xanuunka Kansarka ku dhaca Maskaxda.

Hooyadda Qoyskaasi oo lagu magacaabo Sahra Xasan waxay Codsi Taageero u qoratay Kaniisadda Saint Albert United Church si looga taageero culayska dhinaca dhaqaalaha qoyska oo ka kooban 11-ka qof oo isugu jira kuwa ay dhashay iyo kuwo ay ehel yihiin.

Fannaanka Martin Kerr ee ku caanka ah Qoob-ka-ciyaarka iyo Kaniisadda The Saint Albert United Church ayaa go’aansaday inay Qoyskaasi ku taageeraan Kharajka laga helo Bandhig Heeso “Show Music”oo ay qabanqaabinayaan.

Showgaasi waxa bishan November 14-da lagu qaban doono gudaha Kaniisadda The Saint Albert United Church, waxaana uu socon doona muddo labo saacadood oo keliya.

Maamadda Soomaalida ee Kharajka Bandhigaasi lagu taageeri doono, Sahra Hasasn ayaa la sheegay inay dalka Canada deggan tahay muddo 25-sannadood

Waa Arin Mucjiso ah oo Soomaalida aad kaga Yaabisay Hasa ahaatee waxaa ay arintaan kusoo aaday Xili aad loo hadal hayo soomaali badan oo qaatay Diinta kirishtanka kuwaas oo ku dhacay Xadka Ridada iskana soo duubay Muuqaal.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada