Dhageyso:Abwaano ku baaqay in lala Jihaado Kenya

Dhageyso:Abwaano ku baaqay in lala Jihaado Kenya

daajis.com:- Iyadoo Hadal haynta ugu badan Maalmahaan ay tahay Darbiga Kenya ay ka dhiseeyso Xadka ay Wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta waxaa ka hadlay Arrinkaas Golaha Abwaanadda Soomaaliyeed.

Kulan Golaha Abwaanada ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay wax laga Xumaado ku tilmaameen  Darbiga Kenya ay ka dhisaneyso Xadka Labada Dal,iyagoo Xusay in Dhismahaasi uu yahay mid aan Sharci aheyn oo laga dhisayo Dhul ay Soomaali leedahay.

Guddoomiyaha Golaha Abwaanada Abwaan Maxamuud  C/llaahi Ciise Sangub ayaa sheegay in Golaha Abwaanada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin Dagaal ay la galaan Kenya,hadii aysan joojin Xad gudubka ay ku hayso Badda iyo Biriga Soomaaliya,waxaana uu Tilmaamay Guddoomiye Sangub in ay Xariirkii u jareen Dowladda Kenya.

Sidoo kale Abwaan Sangub ayaa ugu baaqay Madaxda Dalka ugu sareeysa  in ay Qoriga qaataan oo ay Dagaal lagalaan  Kenya islamarkaana Dowladda Kenya ay Xariga u jaraan.

Ugu danbeeyn Guddoomiyaha Golaha Abwaanada ayaa Madaxweynaha Maamulka Jubbaland iyo Shacabka Reer Jubbaland intaba ugu baaqay in ay Bilaabaan Dagaalka lala galayo Kenya.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada