Xog Al-shabaab ka baxsaday Axmed Diiriye oo gaaray Galgala

Xog Al-shabaab ka baxsaday Axmed Diiriye oo gaaray Galgala

daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya dhanka Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegaya in mintidiin ka tirsanaa Kooxdaasi ay u goosteen dhanka Daacishta Somalia.

Maleeshiyaadkaani ayaa ka cararay Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somalia, waxa ayna u ruqaansadeen dhanka Buuraaleyda Galgala oo ah Saldhiga ugu weyn ee Daacishta Somalia.

Maleeshiyaadkaani baxsadka ah ayaa waxaa la soo warinayaa inuu culeys xoogan uu kasoo fuulay dhanka Maleeshiyaadka Al-shabaab garabka Axmed Diiriye ee taabacsan Al Qaacidda, waxayna u baxsanayaan Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Buuraaleyda Galgala ayaa waxaa iminka ku sugan Hogaamiyaha Daacishta Somalia Cabdulqaadir Muumin iyo Dagaalyahaano isaga ka amarqaata kuwaasi oo shaaciyay inay ka baxeen Al-shabaab islamarkaana ay noqdeen garab kamid ah Daacish.

Maleeshiyaadkaani iminka gaaray Galgala ayaa waxa ay dhanyihiin 75 maleeshiyo Daacish ah, kuwaasi oo ku hubeysnaa Hubka noocyadiisa kala duwan iyo Gaadiid dagaal.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili Maleeshiyada Al-shabaab ay u kala jabeen 3 garan oo ay kala hogaaminayaan Axmed Diiriye oo taabacsan Al-qacida, Mukhtaar Roobow oo kamadax-banaan Al-shabaab iyo Sheekh C/qaadir Muumin oo isna u go’ay Daacish.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada