SAWIRRO: Weerar culus oo lagu qaaday Hoteel ay degnaayen dalxiisayaal & dagaal xoogan oo socda

SAWIRRO: Weerar culus oo lagu qaaday Hoteel ay degnaayen dalxiisayaal & dagaal xoogan oo socda

daajis.com:- Maleeshiyaad ku hubeysnaa hubka loo yaqaan A47 iyo Bambooyin ayaa waxa ay la wareegen hotelka Radisson Blu oo ku yaal caasimada Mali ee Bamako.

Hoteelka ayaa waxaa gudaha u galay Maleeshiyaad Hubeysan waxaana xiliga weerarkaasi Hoteelka ku sugnaa dalxiisayaal ajaanib u badnaa.

Waxaa sidoo kale la soo sheegayaa in Hoteelka ay degnaayen shaqaalaha QM ee ka howlgala dalkaasi, waxaana weerara qaaday xagjiriinta ka dagaalanta dalkaasi Mali.

Gudaha Hoteelka ayaa waxaa hadda ka dhex socda rasaas xoogan oo ay is weydaarsanayaan Ilaalada Hoteelka iyo Maleeshiyaadkii weerarka qaaday.

Hoteelka uu dagaalka ka dhex socdo ayaa waxa uu ka kooban yahay ilaa 195 qol, waxa uuna dagaalka xoogiisu yahay mid ka socda dabaqyada 6 iyo 7 oo ay badi degan yihiin dalxiisayaasha iyo shaqaalaha QM.

Dalka Mali ayaa waxaa ku badan weerarada lagu qaado goobaha dalxiiska sida Hoteelada, beeraha nasiinka iyo goobo kale oo farabadan.

Dhanka kale, weerarkanai ayaan aheyn kii ugu horeeyay oo ka dhaca Hoteel ku yaalla dalka mali.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada