daajis.com:- Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa wada qorsho ay DF Somalia kusoo gaarsiineyso hubka noocyadiisa kala duwan.
Qorshahaani ayaa waxaa isla wada Danjiraha Imaaraadka carabta u fadhiya dalka Somalia Maxamed Axmed Cali Cismaan iyo wasaarada Gaashandhiga DF Somalia.
Qorshahaani DF lagu soo gaarsiin lahaa Hubka oo wali socda ayaa waxaa la tilmaamayaa in loogu gol leeyahay in Hubkaasi lagu isticmaalo gaadiidkii ay Dowlada Imaaraadka dhawaan ugu deeqday Somalia.
Hubka ayaa la sheegayaa inuu u badnaan doono nooca culus ee meelaha fog wax ka dila kaasi oo qorshuhu yahay in lagu ciribtiro Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Dowlada Imaaraadka ayaa dhawaan Somalia ugu deeqday Gaadiidka dagaalka gaashaaman ee aan xabadu karin iyo wali gaadiid kale oo u badnaa nooca loo yaqaan Cabdi-bilaha.
Lama oga qaabka ay DF Somalia u adeegsan doonto Gaadiidka la siiyay iyo Hubka dhawaan loo soo gacan galin doono bacdamaa lagu xanto inay suuqa madow ka sii iibiso hubka la siiyo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 21:25 and have

