14-qof oo ku Dhintay Weerar ka dhacay Gobolka California – (DAAWO Muuqaal)

14-qof oo ku Dhintay Weerar ka dhacay Gobolka California – (DAAWO Muuqaal)

daajis.com:- Ugu yaraan afar iyo toban qof ayaa dhintay 17 kalena way ku dhaawacmeen weerar lala beegsaday xaruun lagu tababaro dadka naafada ah oo ku taalla gobolka California ee Maraykanka.


Saddex qof oo u hubaysan ayay wararku sheegayaan inay weerarkan ku qaadeen xaruunta oo ku taalla magaalada San Bernardino.

Kuwaasi oo laba ka mid ah la dilay, labada qof ee uu boolisku dilay ayaa la sheegay inay ahaayeen nin iyo haweenay la socotay.

Booliska ayaa toogtay labo ka mid ah dadkii weerarka gaysty ka dib markii saacado ka dib ay waddooyinka magaalada ku arkeen baabuurkii ay kooxda weerarka fulisay ku baxsadeen, warark hordhaca ay sheegaya in boolisku y gacanta ku dhigeen nin kale oo oo ka mid ah kuwa weerarka fuliyay.

Magaalada weerarku ka dhacay ayaa u dhow magaalada weyn ee Los Angles.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada