daajis.com:- Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidanka Booliska & Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa Saakay ka dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo, ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Goobjooge ayaa Baxdo.com u xaqiijiyay Dagaalka, oo sheegay in Iska-horimaadka oo u daxeeyay Labo Ciidanka oo Maamulka Magaalada katirsan uu ka dhacay Xaafad ku dhaw Madaxtooyadda Jubbaland ee Kismaayo.
Dagaalka ayaa qarxay kadib markii Ciidanka Daraawiishta ay u tageen Dadka Xaafadda kuna amreen inay isaga guuraan Xaafaddaasi, oo ay sheegeen inay Ciidanka Daraawiishtu leeyihiin.
Ciidanka Booliska oo isku dayay inay arinta farageliyaan ayaa iska-horimaad kala kulmay kuwa Daraawiishta. Ugu yaraan Labo Ruux ayaa ku dhawacantay Dagaalka, waxaana xaaladdu wali tahay mid kacsan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 17:03 and have
