Axmed Madoobe oo sheegay hadal ka careysiiyay C/kariin Gulleed

Axmed Madoobe oo sheegay hadal ka careysiiyay C/kariin Gulleed

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay guulihii laga gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalkaasi dhiiga ku daatay, waxa uuna sheegay in haddii uu sii socon lahaa dagaalka uu arrinku intaa kasii badan lahaa.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay markii laga hadlo dagaalkaasi uu daciif ahaa difaaca ay muujinayeen Ciidamada Galmudug, waxa uuna sheegay in maamulka Galmudug uusan u babac-dhigi karin Puntland.

Madoobe ayaa sheegay in Galmudug aysan gaarin heerkii laga filaayay awood Militeri, taasi oo uu ula gol leeyahay inaysan dagaal la gali karin Puntland sababo la xiriira isku filnaansho la’aan heysatay Galmudug.

Waxa uu sheegay in Jubbaland mar waliba ay garab boodeyso Galmudug iyo Puntland balse loo baahan yahay in Galmudug ay ka fiirsato duullaanada ay ku degdegeyso xili uusan sanad jirsan maamulka cusub.

Axmed Madoobe ayaa si dadban u dhabjinaaya heshiiskii ay wada galeen Galmudug iyo Puntland, waxaana suuragal ah in erayada qaar ay dib usoo nooleeyaan colaadii laga soo gudbay.

Haddalka Madoobe ayaa muujinaayay in Siyaasada uu ku garbinaayo maamulka Puntland, inkastoo hadalkaasi uusan Madaxweynaha Galmudug meel kasoo qaadin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada