Ciidamada Nabad Sugidda oo soo Bandhigay Gaari Sahay u Siday Al Shabaab (VIDEO)

Ciidamada Nabad Sugidda oo soo Bandhigay Gaari Sahay u Siday Al Shabaab (VIDEO)

daajis.com:-  Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa maanta soo bandhigay gaari ay qabteen oo siday tuutaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya, alaabtan ayaa sida la sheegay loo waday Ururka Al Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya.

Gaarigan ayaa waxaa lagu qabtay Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo uu ka yimid dhanka Magaalada Muqdisho.


Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe, C/kariin Aaloos, ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Nabad Suggida ay gacanta ku dhigeen gaarigaasi, xilli uu shidaal kaga shubanaayay kaalin shidaal oo ku taala Degmadaasi.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in baaritaano ka dib gaarigaasi laga helay tuutaha Ciidamada Dowladda, waxaana alaabtani loo waday buu yiri Ururka Al Shabaab, balse ay ka hortaggeen Ciidanka ammaanka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada