daajis.com:- Howlgal gaar ah oo ciidamada Booliska sida gaarka u tababar xalay Saqdii Dhexe ay ka fuliyeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa lagu soo qabtay rag la sheegay inay ka tirsan yihiin Shabaab.
Howlgalkaan ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadaha Degmada Afgooye, waxaana bartilmaameedka uu ahaa guri ciidanka Booliska ay hayeen xogtiisa oo laga soo qabtay rag Shabaab ka tirsan.
Ilaa saddex ruux ayeey ciidamada Booliska gacanta ku soo dhigeen kuwaasi oo la sheegay inay Shabaab ka tirsan yihiin iyo waxyaabo ay ku qorsheynayeen falal lidi ku ah dhanka ammaanka.
Weli Saraakiisha ciidamada Booliska faah-faahin kama aysan bixin howlgalkaan qorsheysan ee ciidamada xalay Saqdii dhexe ay ka sameeyeen Degmada Afgooye.
Shabaab ayaa ku dhex dhuumaaleysta Bulshada Dhexdooda, waxaana ciidanka ay badanaa raadiyaan macluumaadka la xiriira Shabaabka bulshada ku dhex dhuunta.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:37 and have
, Published at