C/kariin Guuleed oo si aan looga baran uga hadlay xaalada Gaalkacyo

C/kariin Guuleed oo si aan looga baran uga hadlay xaalada Gaalkacyo

daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay xaalada magaalada Gaalkacyo dagaaladii dhacay kadib.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadda jawiga uu yahay mid wanaagsan islamarkaana Ciidamada maamulada laga qaaday goobihii ay fadhiyeen waxa uuna sheegay in kaliya ay doonayaan in labada dhan ay si daacad ah u hirgaliyaan Heshiiska.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in shacabka Galmudug ay la qeybsanayaan dhibaatada kasoo gaartay dagaaladii xalka laga gaaray.

Waxa uu dadka shacabka ah ku booriyay inay la shaqeeyaan maamulada Gaalmudug iyo Puntland si uu yiri hal meel looga soo wada jeesto dadka colaada hurinaaya.

Dadka Gaalkacyo ayuu kaga digay inay carqalad u abuuraan deegaanada ay ku noolyihiin waxa uuna ugu baaqay inay daacad u noqdaan amaanka.

Ugu danbeyntii waxa uu amaanay Ciidamada labada maamul ee diyaarka u noqday qodobadii lagu heshiiyay dibna ugu laabtay xarumihii ay ku noolaayen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada