Culimada Kenya oo hadal cajiib uu kasoo yeeray

Culimada Kenya oo hadal cajiib uu kasoo yeeray

daajis.com:- Xog-hayaha Golaha Culimada Islaamka Dalka Kenya Sheekh Khaliifa, oo la hadlay warbaahinta magaalada Nairobi ayaa sheegay in dadka heysta Diinta Kirishtanka ah ay ugu bishaareynayaan inay qaatan diinta Islaamka.

Sheekh Khaliifa ayaa sheegay in Diinta Islaamka ay naseexo tahay, islamarkaana qofka islaamka ah uu waxbadan ka duwan yahay qofka kale, waxa uuna tilmaamay in dadka Muslimka ah ay yihiin kuwo naxariis badan oo isku gargaara una gargaara kuwa kale ee aaminsan diimaha kale.

Waxa uu Sheekh Khaliifa tusaale usoo qaatay dhacdadii gudaha asbuucaani ka dhacday Kenya oo fal dhawaan dad Muslimiin ah Rag ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab kaga bad baadiyeen dad aan Muslim ahayn oo ay wada saarnaayeen Gaari Bas ah oo marayay Waqooyi Bari Kenya.

Sheekha waxa uu tilmaamay in ficilkaasi uu yahay mid geesinimo ah, islamarkaana aysan sameyn laheyn dadka aaminsan Diinta Kirishtanka ah.

Sheekh Khaliifa waxaa uu sheegay in ficilka ay sameeyeen Dadka Muslimiinta ah ee Al-shabaab u sheegay in ay wada dilaan intii ay kala sooci lahaayeen ay yihiin ama ka turjumayaan Islaamnimada dhabta ah.

”Dowlada Kenya dhacdadaasi ha u turjumato in Muslimiintu yihiin kuwo aan raali ka aheyn in la dilo qof bani’aadam ah. waxa ay dhacdadaasi daliil u tahay in muslimiinta oo idil aysan wada aheyn waxa ay reer galbeedka ugu yeeraan Argagixiso”

”Kenya waxaan ku bogaadineynaa in dhacdadaasi lagu badbaadiyay dadka heystay diinta Kirishtanka ay ku ixtiraamto dadka muslimka ah. waayo waxay cadeyneysaa in qofka muslimka ah uusan raali ka aheyn in la jaro naf kale oo walaalkii ah”

”Kenya wey la soctaa in Dadkii Muslimiinta ahaa ee saarnaa gaariga ay diiden in la dilo kuwa heystay diinta Kirishtanka,waxa ayna raggii joojiyay gaariga u sheegeen in ay wada dilaan ama wada deeyaan, haddii aynu nahay dad muslim ah caloosheena uma bugto qof heysta diin kale. waayo waxa ay taasi u taalla alle isaga ayaa xisaabinaayo”

Sheekh Khaliifa oo hadalkiisa sii watay ayaa Dowladda Kenya ugu baaqay in ay abaal mariso Dadka Muslimiinta ahaa ee Naftooda u huray kuwa aan Muslimka ahayn ee ay Al-shabaab ka bad baadiyeen.

Dhalinyarada kale ee muslimka ah ayuu ugu baaqay inaysan ku sifoowin kuwa uu ugu yeeray dilaayaasha dilka aadamiga baneystay, wuxuuna ugu baaqay inta karaankooda ah inay badbaado u noqdaan kuwa ay Al-shabaabku dulminayaan.

Dhanka kale, dadka Kenya ayuu ugu baaqay in ay horumariyaan Midnimada, kana hortagaan falalka lagu kala qeybinayo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada