daajis.com:- Ururka Daacish oo ku xoogan dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayaa waxaa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyagoona ku hanjabay inay dhaawici doonaan.
Daacish, ayaa waxay u muuqataa mid ka carootay isbahaysi cusub oo Sacuudiga uu ku dhawaaqay maalintii Talaadada, waxaana la sheegay in isbahaysigu uu la dagaalami doono ururada argagaxisada, sida Daacish.
Isbahaysigan oo ka kooban 34 dal, ayaa waxay Xaruntiisu noqon doontaa Magaalada Riyadh ee Caasimadda Wadanka Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu qorshuhu yahay in laga abaabulo hawlgalada ka dhanka ah argagaxisada.
Muuqaal Video ah oo uu soo saaray Ururka Daacish, ayaa waxaa ka soo muuqday xubno ka tirsan Ururkaasi, oo ku hanjabay inay dagaal furan la geli doonaan Dowladda Sacuudiga.
Saraakiil u hadashay Daacish, ayaa waxay Ciidanka Sacuudiga ugu baaqeen inay yimaadaan dalka Suuriya, haddii ay doonayaan dagaal ay la galaan Daacish.
Dhammaadkii muuqaalkan, ayaa waxaa ka soo muuqday nin madaxa laga tooganaayo. Daacish waxay ninkaasi ku sheegtay in uu la shaqayn jiray Sacuudiga.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:09 and have
, Published at