Daawo Franck Ribery oo iska diiday xaflad gaaleed ay dhigatay Bayern Munich

Daawo Franck Ribery oo iska diiday xaflad gaaleed ay dhigatay Bayern Munich

daajis.com:- Xidiga dalka France ee Muslimka ah Franck Ribery aya lasheegay in uu sicad u diidey in uu kasoo qayb Galo Xaflada ay dhigeen Maamulka Bayern Munich Taas oo ay sheegeen in ay uga danleeyihiin Waxa gaaladu u taqaan Ciida Kirishtaanka.

Franck Ribery oo dhaawac kasoo kacay 8 bilood oo uu Maqnaa ayaa shalay dhaliyey Goolka qura ee ay dhalisay Bayern Munich waxaana Kulanka kadib loo qaybiyey Xidigaha Bayern In ay kasoo qayb galaan xaflada iyaga iyo qoysaskooda Balse ma uusan soo xaadirin Xafladii.

Wargeyska Bild ayaa daabacay in Xidigaan dalka Farnce uu yahay Cayaaryahan haysta diinta Islaamka isla markaana ku dhaqma sidaa daraadeed ayuuna uga soo qayb geli waayey Xafladaas.

Ninkaan u dheela Bayern Munich ayaa 2 dii Ciidood ee Islaamka Waxa uu Muslimiinta usoo diray Hambalyo kusocota Umada Muslimka ah waxaana sidoo kale uu yahay Xidig sanadkii soo Xajiya hadii uu Fursad u helo.

Macalinka Bayern Munich Pep Guardiola iyo qaar kamid ah Cayaaryahandiisa iyo qoysaskooda ayaa Soo xaadiray xaflada oo kadhacday Hotel qaali ah oo kuyaala Magaalada Munich.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada