daajis.com:- Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ku wareejiyay sagaal maxbuus oo ka mid ahaa ciidamadii Puntland ee lagu qabtay dagaalkii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale, kullamo ay lahaayeen Madaxweynaha Galmudug iyo R/wasaaraha ayaa laga soo saaray afar qodob oo lagu soo afjarayo colaada Gaalkacyo, waxaana Madaxweynaha Galmudug uu sheegay in dhankooda ay aqbaleen afartaas qodob.
wada-hadal-gaalkacyo-1“Afarta qodob ee Ra’iisul Wasaaraha soo bandhigay waa aqbalnay oo ahaa in xabada la joojiyo, in ciidamada la kala qaado, in dadka barakacay la soo celiyo iyo in guddi wada hadal oo waxa la isku haayo iyo dhibka jira ka wada hadla la magacaabo, waxaa cadeyneynaa in qodobadaas aan si shuruud la’aan u aqbalnay”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.
Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay ku sharfeen inay ku wareejiyaan maxaabiis lagu qabtay dagaalka, isagoo xusay inay si wanaagsan ula dhaqmeen, una xanaaneeyeen.
wada-hadal-gaalkacyo-4“Waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku sharafnay inaan ku wareejino maxaabiis dagaalkii lagu qabtay ah, waa dad walaalaheena ehelkeena ah, inta aan heynay aad ayaa u xanaaneynay, waxaa u arkeynay inay ahaayeen wiilasheena oo kale”ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhoweeyay maxaabiista lagu wareejiyay, waxaana uu ka mahad celiyay sida ay u qaateen in colaada la joojiyo, waxaana uu xusay inay ka rajeynayaan in labada dhinac isku waqti ku baaqaan nabad.
Maxaabiista Puntland looga qabtay dagaalkii Gaalkacyo
“Waan ku faraxsanahay qodobadii aan soo jeedinay ee afarta qodob ah inay nala qaateen, waxaa ku adkeynayaa colaada in la joojiyo, waliba in isku waqti labada dhinac inay nabad ku baaqaan, lana dhaho maanta wixii ka dambeeya inta hartay in lagu dhameeyo wada xaajood, isla markaana aanay xabad dambe jiri doonin”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahad celiyay maxaabiista lagu wareejiyay, waxaana uu ku tilmaamay inay aheyd tallaab weyn oo horay loogu qaaday niyad wanaag iyo calool fayoobi sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa uga mahad celinayaa Madaxweynaha sida sharafta laheyd ee noogu ixtiraamay maxaabiista sagaalka aheyd ee lagu qabtay shaqaaqadii maalin dhoweyd dhacday, waa tallaabo weyn oo muujineysa niyad wanaag iyo calool fiyoobi”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu ku laabto waqooyiga Gaalkacyo, si uu halkaas ula kulmo Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo labaduba maanta soo gaaray Gaalkacyo.
Dhanka kale. Ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa in uu la kulmo Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas oo Gaalkacyo soo gaaray maanta, iyadoo la hordhigi doono afarta qodob ee uu aqbalay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 05:00 and have






