Al-shabaab oo ciidamo farabadan looga dilay Maxaas

Al-shabaab oo ciidamo farabadan looga dilay Maxaas

daajis.com:- Howlgalo ballaaran oo ay ciidamada DF ka sameeyeen deegaano hoos taga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxay ku dileen ilaa 9 ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab.

Maxamed Muumin Saneey, oo ka tirsan saraakiishi hogaamineysay Howlgalkaas, ayaa warbaahinta ku hadasha afka DF, ayaa sheegay in howlgalo ay shalay gelinkii dambe ka sameeyeen deegaano hoos taga Degmada Maxaas, uu iskahor’imaad kooban ku dhexmaray ciidamada DF iyo kuwa Al-shabaab, islamarkaasina ay halkaas ku dileen ilaa 9 kamid ah dagaalyahanada al-shabaab.

“Ilaa sagaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa ku dhimatay dagaalka, kaddib markii ay ciidanka is-hortaageen” ayuu Maxamed Muumin u sheegay warbaahinta DF

Ciidanka XDS oo kaashanaya AMISOM ayaa kooxda Al-Shabaab ka saaray degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen, sidoo kale ciidanka ayaa hadda ku howlan sidii ay meelaha ay ku hareen ee gobolka ka tirsan uga saari lahaayeen Al-shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada