daajis.com:- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in marxalada maanta dadka Soomaaliyeed ay ku sugan yihiin in ay tahay in laga shalaayo dadkii horay macna darada u dhintay balse xiligan aysan aheyn in dagaal cusub iyo dhimasho hor leh iyo barakac lagu abuuro dadka.
Sheekh Shariif ayaa dhinacyada ku dagaalamaya Gaalkacyo ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabaddan oo u dhega nuglaadaan dadaalada nabadeed ee dowladda iyo waxgaradka kale wadaan.
sh-sharif“Marka hore waxaan aad uga xumahay dagaalada ka dhacay Gaalkacyo oo dadna ku dhinteen dadna ku barakaceen, maanta waxay tahay inaan ka shanleyno wixii naga dhintay ee ma aheyn dagaal cusub inuu Somalia ka bilaabmo, marka waxaan leenahay nafta iyo Shaydaanka ha lala dagaalamo, dadka waa walaalo deegaan waligeed waa lawada deganaa”Ayuu yiri Sheekh Shariif Shekh Axmed.
Madaxweynihii hore ee Somaliya waxa uu sheegay dadka wada dega Mudug inay nabad ku wada noolaan jireyn, maantana aysan mudneyn in dagaalo cusub lagu barakiciyo oo lagu dhibaateeyo.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay Dowladda Federalka Somaliya, kaalinta kaga aadan arintaan inay tahay ka shaqeynta Nabadda iyo is jeclaysiinta umadda dagaalamaysa.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa isna xalay dhankiisa cambaareeyay, isagoo si adag ugu hadlay dagaalada loona joojiyo si deg deg ah oo xal waara looga gaaro, dhinacyada ku howlan wada hadalkana lala shaqeeyo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 04:00 and have

