daajis.com:- Magaalada Muqdisho oo ah magaalo uu isbadalkeeda Xawli ku socdo, ayaa waxaa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Droneska looga soo buubay muuqaal goobo badan oo dhawaan ay dowladda Turkiga ku suubisay dayactir ama dib u dhis.
Dhismooyinkan muuqaalka laga soo duubay ayaa waxaa ka mid ah Isbitaalkii digfeer oo ay Dowladda Turkigu dib u dhis ku samaysay, iyadoona isbitaalkani la keenay qalab casri ah, waxayna dad badani ku tilmaameen in isbitaalkani uu yahay kan ugu casrisan ee Qaaradda Geeska Afrika.
Qaybaha kale oo aad muuqaalkani ku arkayso ayaa waxaa ka mid ah, Safaaradda Dalka Turkiga uu ka dhistay Degmeda Cabdulcasiis ee Magaalada Muqdisho, Hoteelkii Curuba ee Burburay iyo dhismooyin kale oo ay caan ku tahay Magaalada Muqdisho.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:30 and have
, Published at