Daawo Sawirada:- Ciidamadii Puntland iyo Galmudug oo la kala qaaday iyo shir u socda Gaas iyo Guuleed

Daawo Sawirada:- Ciidamadii Puntland iyo Galmudug oo la kala qaaday iyo shir u socda Gaas iyo Guuleed

daajis.com:- Waxaa saakay lagu guuleystay in Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Puntland ay ka dhabeeyaan heshiiskii iyo balantii ay xalay qaadeen oo ahaa in la kala qaado ciidamada oo dib loogu celiyo xerooyinkooda.

Dhinac walba saakay wuxuu dib ugu celiyay xerooyinkooda ciidamada, iyadoo aysan jirin wax rasaas ah oo laga maqlayo magaalada Gaalkacyo.

Cabdiweli Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa shir xiligan ugu socda garoonka diyaaraddaha Gaalkacyo, si loo sii adkeeyo heshiiska la gaaray, lana dhameystiro dhismaha guddiyo la socda heshiiska.

Dhanka kale waxaa sii kordhay khasaaraha dagaalkii shalay ka dhacay Gaalkacyo, kaasoo sababay dhimashada dad gaaraya 10 qof iyo dhaawaca 50 meeyo qof.

Dadka ku nool magaalada Gaalkacyo labadeeda dhinac ayaa aaminsan heshiiska xabad joojinta la gaaray, waxaana adag sida ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada