daajis.com:- Baaritaano fara badan ka dib ciidamada FBI-da dalka Mareeykanka ayaa soo helay shaqsiyada iyo labadii ruux ee ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday xarun xaflad ka socotay oo ku taal magaalada San Bernardino ee cariga Mareeykanka .
Labada ruux ee weeararka toogashada ah fuliyay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Sayed Farook oo 28 jir ah iyo Xaaskiisa Tashfeen Malik oo iyana 27 sano jir ah . Gurigii ay degnaayeen labadaan ruux ayaa waxaa laga soo heelay Qaraxyo la farsameeyay iyo hub kale oo aad u fara badan .
Sayed Farook iyo Xaaskiisa Tashfeen Malik oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Mareeykanka waxaa loo badinayaa falkooda in uu ahaa mid Argagixiso sida uu shaaciyay masuulka lagu magacaabo David Bowdich oo dhanka baaritaanada u qaabilsan FBI-da Mareeykanka .
Weerarkii lagu qaaday magaalada San Bernardino ee gobolka California waxaa lagu dilay 14-qofood halka dhaawacana uu yahay 21-qofood . Labada ruux ee weerarka fuliyay oo ugu dambeeyntii la toogtay waxeey cunug yar oo ay dhaleen u geeyeen hooyada dhashay Sayed Farook ka hor inta aysan weerarka fulin .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:30 and have





