daajis.com:- Warar aan goordhaw ka helany Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Goordhaw Magaaladaasi lagu dilay ganacsade caan ahaa , sidoo kale lagu dhaawacay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Galmudug.
Kooxo hubeesan ayaa rasaas ku furay gaari ay la socdeen Ganacsade Caan ka ahaa Magaalada Gaalkacyo oo lagu magacaabo Daahir Aqwaan iyo Xildhibaanka katirsan Galmudug, waxaana Rasaastaasi ku dhintay ganacsadaha halka uu dhaawac soo gaaray Xildhibaanka katirsan Galmudug.
Xildhibaanka katirsan Baarlamaanka Galmudug ee la dhaawacay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Xuseen Tahliil (Caano Geel) waxaana xiliga la weeraray uu kasoo tagay garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.
Wali si dhab ah looma oga cida ka dambeysa Weerarka lagu dilay ganacsadaha sidoo kale lagu dhaawacay Xildhibaanka katirsan Baarlamaanka Galmudug, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulada ka taliya Galakacyo oo ku aadan weerarkan ganacsadaha lagu dilay sidoo kale lagu dhaawacay Xildhibaanka .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:59 and have

