Wararkii u danbeeyay ee Shir ka socda garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo iyo ciidankii dagaalamay oo la kala qaadeyo

Wararkii u danbeeyay ee Shir ka socda garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo iyo ciidankii dagaalamay oo la kala qaadeyo

daajis.com:- Hoggaamiyaasha Puntland iyo Galmudug ayaa maanta oo jimce ah mar kale isugu tegey Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yusuf magaalada Gaalkacyo, waxaana shirka  ku weheliya Raysalwasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Jubaland  iyo Wasiirka Caddaaladda Dowladda Federaalka  Gen. Ilkajiir.

Labada dhinac oo shalay isku dhaaarsadey in laga dhabeeyo heshiiskoodi ayaa saakey ka wada hadlaya dhisamaha guddi wada jir ah oo shaqayn kara, isla markaana xaaladda kala qaadida ciidamada hal meel ka maamulaya, si meesha looga saaro kala shaki in dagaal ku bilowdo sidii shalay oo khamiis ah dhacdey.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in daabulaadda ciidamado ay bilaamato galabta oo Jicme ah, isla markaana labada hoggaamiye oo wada socda ay magaalada ku dhex lugeeyaan si loo dhiiri geliyo nabadda, sidaas waxaa saxaafadda u sheegay wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdiraxmaan Odowaa, Wasiirka ayaa sioo kale saxaafadda u sheegay in salaadda Jimce mesha lagu wada tukan doono, culimaddu ay shirka maanta door weyn ka qaateen, ilaa galabtana shirku sii socon doono.

Dhanka kale xaaladda Gaalkacyo ayaa ah mid aad u deggan lama maqlayo dhawaaqa rasaasta marka la eego maalintii arbacada ee heshiiska la gelaayey oo dhawaaqa rasaastu ahaa mid meel kasta laga maqlaayey.

Dhanka ciidamada iyo goobaha dagaalku ka dhaceen ayaa laga dareemayaa xasilooni iyo ciidamada oo isu diyaarinaya in ay ka soo guuraan goobahaas, sidoo kalana  khasaaraha dagaalkii shalay ayaa sii kordhaya waxaana Isbitaalaka imaanaya dad badan oo qaba dhaawacyo kala geddisan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada