Daawo Sawirada:- Madaxweyne Xasan oo kulamo is xigxiga la qaadanaaya Odayaasha Gobolka Hiiraan

Daawo Sawirada:- Madaxweyne Xasan oo kulamo is xigxiga la qaadanaaya Odayaasha Gobolka Hiiraan

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa habeenkii labaad ku hoyanaya magaaladda Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiran ayaa kulamo la-tashiyo ah la qaadanaya odayaasha dhaqanka beelaha dega Gobolka, Siyasiyiinta iyo ururada bulshadda rayidka ah.

Kulamadaan la-tashiyada ah ee uu sida gaar gaarka ah madaxweynuhu iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Xildhibaanada ay la qaadanayaan odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolka Hiiran, Siyasiyiinta iyo bulshadda rayidka oo bilaawday saaka aroortii ayaa wali socda, iyadoo ay guulo ku soo dhamaadeen kulamada dhacay.

La-tashiyadaan madaxweynaha uu ka wado magaaladda Beledweyn ayaa ah sidii dhamman beelaha dega gobolladda Hiiran iyo Shabellaha Dhexe uga qeyb qaadan lahaayeen maamulka ay dhisanayaan labada gobolka iyo in aysan gobolka Hiiran dib uga dhicin dagaalo sokeeye.

Shirka maamul dhisidda gobolladda Hiiran iyo iyo Shabelaha Dhexe ayaa todobaadka soo socda ka furmi doona magaaladda Jowhar.

DHAMMAAD
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada