daajis.com:- Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta markale dagaal uu ka bilowday magaalada, kaasi oo u dhaxeeyo maleeshiyaaadkii ku dagaalamay shalay.
Dagaalka ayaa ka bilowday xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana dagaalka la sheegay inuu si xoogan kaga socdo xaafadii shalay lagu dagaalamay.
Odayaasha dhaqanka iyo ciidamada AMISOM ee magaalada Beledweyne ayaa waddo dadaalo lagu joojinayo dagaalka, laakiin maanta looma hogaansamin xabad joojin shalay ku dhawaaqeen waxgaradka magaalada.
Maalintii shalay dagaalkii dhacay ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 15 ruux iyo dhaawaca 40 ruux oo la dhigay xarumaha caafimaaadka ee magaalada.
Waxaa socdo dadaalo ay wadaan odayaasha dhaqanka iyo xubnaha maamulka degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan iyo ciidamada AMISOM ee ka socdo dalalka Jabuuti iyo Ethiopia oo la doonayo in lagu dhameeyo dagaal beeleedyada ka dhacaya magaalada.
Dagaal beeleedka ka socdo magaalada ee u dhaxeeyo labada maleeshiyaad ayaa ayaa ka bilowday markii shalay mid kamid ah beelaha dagaalamaya ay rasaas ku furtay gaadiid marayay magaalada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:30 and have
, Published at