daajis.com:- Wararka naga soo gaaray deegaano ka tirsan Jub bada hoose waxay sheegayaa in dagaalyahano taabacsan Ururka daacish oo ka goostay shabaab ay qabsadeen deegaanka Barwaaqo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Deegaanka Barwaaqo oo ku dhow degmada Dhoobleey ayaa noqday deegaankii ugu horeeyay ay la wareegaan Kooxda ka goostay Shabaab ee taabacsan Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Syria iyo Ciraaq.
Ciidamado ka tirsan maamulka Jubbaland oo halkaa ku sugnaa ayaa isaga baxay inta aysan soo gaarin maleeshiyaadka IS.
Deegaano ka mid ah gobolada Jubooyinka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jiray ishaysad u dhexeeya dagaalyahanada ururka Alshabaab kuwaasoo u kala baxay qaar taageersan IS iyo kuwo kale oo taageersan Alqaacida.
Ururka Al-shabaab ayaa ka horjeeda Fikirka Kooxda Daacish,waxay dileen Saraakiil sheegatay iney taageersan yihiin Daacish,waxaana hada socda baadi goobka Saraakiisha kale ee sheegtay iney daacish ku biireen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:19 and have
, Published at