Ethiopian-ka oo Xaalada ay ku xun tahay iyo Oromada oo ka Go’aya.

Ethiopian-ka oo Xaalada ay ku xun tahay iyo Oromada oo ka Go’aya.

daajis.com:- Qowmiyadda Oromada ee dalka Ethiopia ayaa ku hanjabay inay ka go’ayaan Ethiopia kuna dhowaaqayaan dal cusub oo madax banaan.

Rabashado, Dibad baxyo iyo dagaal is ceyrsi ah ayaa ilaa November bilowgeedii ka socda magaalooyinka ay degaan Oromada ee dalka Itoobiya taasi oo keentay in dad badan ay ku dhintaan.

Qowmiyadda Oromada ayaa ka dibad baxaya waxa ay ugu yeereen jiritaankooda kadib markii ay dowladda Itoobiya ku sameysay dhul ballaarsi iyagoo hirgalisay qorshe loo bixiyay Master Plan, sidaa waxaa sheegay Afhayeen u hadlay dadka Oromada.

Qowmiyadda Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan dalka Itoobiya, Itoobiya kaliya waxaa ku nool in ka badan 25 Milyan oo u dhasay Oromo, waxaa dalka ka taliya dadka laga tirada badan yahay ee Tigreega.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada