Gaas iyo Guuleed oo maanta fool ka fool isku soo hor fariisanaya

Gaas iyo Guuleed oo maanta fool ka fool isku soo hor fariisanaya

daajis.com:- Wafdiga dhex dhexaadinta u jooga Gaalkacyo ee uu hogaaminayo R/wasaaraha, ayaa lagu wadaa ineey manta fool ka fool isu soo hor fariisiyaan M/weynayaasha maamulada Galmudug iyo Gaas.

Warar hoose ayaa waxay sheegayaan in Madaxda Maamul goboleedyada iyo xubnaha beesha caalamka ee ka qeyb qaadanaya dadaalada nabadeed ee ay ka dhex wadaan labada dhinac ayaa diyaarinaya sidii gogol ay isugu keeni lahaayeen Madaxda Puntland iyo Galmudug.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xalay kulamo gaar gaar ah ay labada dhinac la kala yeesheen xubnaha dhex dhexaadinta wada ee ku sugan Gaalkacyo, waxaana dadaalka ugu badan ee la geliyay uu ahaa sidii ay isu soo hor fariisan lahaayeen C/wali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo horay u aqbalay qodobadii afarta ahaa ee uu soo jeediyay Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay saxiixay, kadib markii shalay Madaxweynaha Puntland uu isna saxiixay.

Wixii maanta ka dambeeya ayaa la filayaa in loo guda galo kala qaadista Ciidamada is hor-fadhiya, kadib markii ay inta badan soo afjarmeen kulamadii xal u helida ahaa ee Mas’uuliyiinta labada Maamul la lahaa.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada