Obama oo Turkiga iyo Ruushka ugu baaqay ineey xiisada qaboojiyaan

Obama oo Turkiga iyo Ruushka ugu baaqay ineey xiisada qaboojiyaan

daajis.com:- Toddobaad kadib markii Turkey ay soo ridday diyaarad dagaal oo Ruushku uu lahaa, taasi oo dhalisay xiisad, ayaa madaxweynaha Mareykanka Barack Obama waxa uu iminka ku baaqayaa in la qaboojiyo xiisadda ka dhex taagan labada dal, loona midoobo dagaalka Syra.

Obama ayaa sheegay in dunida oo idil ay leedahay hal cadow oo ah kooxda Daacish, loona baahan yahay in diiradda la saaro halistaas

Obama ayaa hadlayey kadib wada-hadallo ka dhinac dhacay shirka cimilada adduunka ee magaalada Paris oo uu talaada la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Reccep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha Mareykanka waxa uu sheegay in Mareykanka uu taageerayo xuquuqda Turkey ay u leedahay inay  difaacdo hawadeeda iyo dhulkeeda, islamarkaana uu si buuxda u garab taagan yahay ammaanka iyo madaxbannaanida Turkiga, oo xulufo la ah Mareykanka.

Wada-hadallada Obama iyo Erdogan ayaa dhacay toddobaad kadib markii Turkiga ay soo rideen diyaraad Ruushku lahaa oo ay sheegeen inay kusoo xadgudubtay hawada dalkaas. Russia waa ay beenisay eedyemahaas, waxaana ay ku adkeysatay in diyaaradda aysan marnaba ka bixin hawad Syria.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada