daajis.com:- Madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Federaalka iyo Xildhibaanno ayaa caawa kulan kula qaatay Koonfurta Gaalkacyo Madaxwaynaha Galmudug Mudane Cabdikarim Xuseen Guuleed. Waxaana ay ka wada hadleen daminta xiisadda ka taagan degmada Gaalkacyo ee u dhexeysa Galmudug iyo Puntland.
Wefdiga la kuomey Madaxweynaha Galmudug oo isagu gelinkii danbe soo gaarey Gaalkacyo ayaa ka mid ahaa wefdigii Raysalwasdaaraha Soomaaliya ee Gaalkacyo.
Mudane Shariif Xasan ayaa kulanka ka yeeshay in dawlad gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mar walba uu diyaar u yahay ka qeyb qaadashada xasilloonida dalka. Isagoo boggaadiyey sida ay Madaxda Galmudug dhankooda u aqbaleen in wixii khilaafka ah ee jira lagu dhameeyo wada hadal iyo is qancin.
Dhanka kale. Madaxwayne Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa uga mahadceliyey Madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo Wafdiga la socda muhiimadda gaarka ah ee ay siinayaan daminta colaadda sokeeye ee ka taagan deegaanka, iyadoo uu xusay Galmudug dhankooda in ka go’an tahay wax walba oo lagu soo celinayo nabadda deegaanka iyo wada noolaanshaha dadka walaalaha ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 02:51 and have


