War Deg Deg: Galmudug oo Saxaafada usoo bandhigtay Goobo ay ku qabsatay Dagaalkii iyo Gaadiid la gubay (Daawo)

War Deg Deg: Galmudug oo Saxaafada usoo bandhigtay Goobo ay ku qabsatay Dagaalkii iyo Gaadiid la gubay (Daawo)

daajis.com:- Ciidamada maamulka Galmudug ayaa qaybo kamid ah magaalada Gaalkacyo ku qabsaday dagaalkii cuslaa ee dhexmaray Ciidanka Puntland, waxaana  kamida goobaha ay qabsadeen Xaafadda Cagaar-weyne, Warshadii hore ee Galeeyda Magaalada Gaalkacyo iyo Kontoroolka Puntland ee dhaca Xadka Labada Maamul.


Dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxaa la isku adeegsaday markii danbe Madaafiic xoogan iyo Hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sii kordhaya Khasaaraha ka dhashay oo aan wali la xaqiijin karin.

Masuuliyiinta Galmudug ayaa waxay saxaafada usoo bandhigeen Goobaha laga qabsaday Puntland, Sidoo kalana waxay usoo bandhigeen Gaadiid ay gubeen iyo kuwa ay ku qabsadeen dagaalka, waxaana wali Xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa magaalada Gaalkacyo.

Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid oo la filayey inuu aado Gaalkacyo oo dagaal ka socdo ayaa ka degay magaalada Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada