daajis.com:- Booliska magaaladda Seattle ee dalka Maraykanka, ayaa wada baaritaano ay ku ogaanayaan cida ka dambeysay Geerida Wiil Soomaaliyeed oo laga soo tuuray dabaq dheer .
Wiilka dabaqa laga soo tuuray oo lagu magacaabo Xamsa Warsame, ayaa ahaa wiil da'yar oo dhiganayay Kuleejka Seattle Central College , waxaana jira shaki laga qabo in Wiilkan dabaqa ay kasoo tuureen dad Islaam naceyb ah.
Waalidiinta dhalay Wiilkan Soomaaliyeed ee dabaqa laga soo tuuray ayaa booliiska ka codsady in kiiskan ay ku sameeyaan baaritaano qoto dheer, Muslimiinta kunool magaalada Seattle ayaa su'aalo badan ka keenay qaabka uu dilkan u dhacay.
Waxaa sidoo kale cabsi xoogan lasoo daristay ardayda Muslimiinta ah ee kunool Magaalada Seattle , kuwaa oo dareen cabsi ah ka qaaday qaabka loo dilay Wiilkan Soomaaliyeed oo kamid ah ardayda wax ka barata Magaaladaasi.
Dilka loo geestay Xamsa Warsame, ayaa lala xariirinayaa in uu ahaa fal cunsiriyad oo islaam naceyb ah, inkastoo booliiska dilkan baaritaanka kuwada aysan wali war cad soo saarin, mana jiro ilaa hada dad loo xiray kiiskan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:00 and have
, Published at