daajis.com:- Halyeeyga ku caan baxay feerka miisaanka culus ee lagu magacaabo Muhamed Ali Clay, ayaa si aan toos eheyn u weeraray musharaxa xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ee Donald Trump, kaas oo maalma kahor ku baaqay in Muslimiinta laga mamnuuco iney soo galaan dalka Mareykanka.
Mumahed Ali oo 72-sano jir ah, kana mida Muslimiinta ugu caansan Mareykanka, ayaa yiri “ anagu ka muslim ahaan waa in aanu iska celinno kuwa islaamka u adeegsanaya ribitaankooda gaarka ah.
Waxa uu sii raaciyay “anigu muslim ayaan ahay, mana aaminsani in la dhibo qof aan waxba galabsan, islaamka dhabtaahuna ma ogola xumaan iyo xad gudub, ee waa kasoo hor jeedaa.
Muhamed Ali ayaa ugu dambeyn ugu baaqay siyaasiyiinta Mareykanka, ineysan isku qaldin dadka wax dilaya ee lunsan iyo dadka ey lumiyeen, eyna bartaan xaqiiqada dhabta ah ee diinta islaamka, kahor inta eysan adeegsan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:00 and have
, Published at