Ninkii ka dambeeyay dilkii wariye Hinda Xaaji maxamed oo gacanta lagu dhigay

Ninkii ka dambeeyay dilkii wariye Hinda Xaaji maxamed oo gacanta lagu dhigay

daajis.com:- Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Soomaaliya C/llaahi Colaad Rooble ayaa sheegay in hey’adaha ammaanka dowladda ay gacanta ku hayana ninkii ka dambeeyay dilkii Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsaneyd Warbaahinta dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in ninkaas ay rumeysan yihiin inuu ahaa cidii ka dambeysay dilkaas, isla markaana uu bixiyay macluumaad, waxaana uu tilmaamay in maalmaha soo socda la soo bandhigi doono.

Mr Colaad ayaan sheegin magaca ninkan, hase ahaatee waxaa uu xusay inay rajeynayaan in dhowaan shacabka loo soo bandhigo.

3-dii bishan ayay aheyd markii Hindiya Xaaji gaarigeeda loogu xiray waxyaabaha qarxa, waxaana ay u geeriyootay dhaawac ka so gaaray qarax ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4, markii ay ka soo baxday mid ka mid ah Jaamacadaha.
Allaha u naxariistee Wariye Hindiya ayaa ifka kaga tagtay 5 caruur, waxaana labo ka mid ah u dhashay Wariye Liibaan Cali Nuur oo isna u shaqeynayay Warbaahinta dowladda, kaasoo la dilay sanadkii 2012.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada