Paris: Nin taageersan ISIS oo macalin Iskuul tooreey ku duray

Paris: Nin taageersan ISIS oo macalin Iskuul tooreey ku duray

daajis.com:- Wakaalada wararka AFP, ayaa goordhow daabacday in nin ku hubeysan Mindi uu goordhow macalin Iskuul ku dhaawacay Iskuul ku yaala meel dibada ka ah magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska.

Sarkaal u hadlay Booliska, ayaa sheegay in ninkaan uu Macalinka ku duray wax loo maleeynayo Tooreey ama Maqas.

Goobjooge ka ag dhawaa meesha falka ka dhacay, ayaa sidoo kale sheegay in ninkaan weerarka fuliyay uu ku qeeylinayay ereyo uu ku taageerayo ururka ISIS, waxaana uu lahaa “Doowlada Islaamiga ah darteed ayaan u fuliyay shaqadaan”.

Booliska waxay sheegeen in Macalinkaan xiligii la dhaawacayay uu kaligiis ku sugnaa fasalka, islamarkaasina dhaawiciisa uusan ahayn mid halis ah.

Iskuulka uu weerarka ka dhacay, ayaa waxaa dhigata caruurta aan wali gaarin dugsiga Hoose, kuwaasoo da’doodu ay u dhaxeyso 3-6 jir.
Faransiiska ayaa xaalad cabsi ah kujiray tan iyo weeraradii is xigxigay ee Bishii hore ka dhacay, kuwaasoo ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 130 qof.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada