Sawiro: UK oo gaadiid ku wareejisay Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya

Sawiro: UK oo gaadiid ku wareejisay Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya

daajis.com:- Wasiir Diini oo munaasadda wareejinta gadiidka oo ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay taageeradan gaadiid, sidoo kalena tilmaamay in taageero kasta oo ciidan loo adeegsan doono si waafaqsan sharciga iyo nidaamka dawligaa.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dawaldda aan saaxiibka nahay ee Ingiriiska oo mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba. Gaadiidkan guud ahaan waxaan u isticmaali doonaa siduu ammaanka dadkayaga u soo geli lahaa gacanta dawladda, waana bilow cusub, waana uga mahadcelineynaa dawladda Ingiriiska,” ayuu yiri Wasiirka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed oo goobta ka hadlay ayaa xusay in gaadiidkan ay dowladda Ingiriisku ugu deeqday ciidanka uu yimid xilli ay jirtay baahi. Isagoo mahadcelin u jeediyey Safiirka iyo dawladda Ingiriiska.
Dhanka kale, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhida dalka Soomaaliya Amb Harriet Mathews  ayaa xustay in taageerida dowladda Ingiriiska ee dawladda Federaalka Soomaaliyeed ay ka tahay daacad. Isla markaana ay xoojin doonaan taageerada ay siinayaan Ciidanka Xoogga dalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada