daajis.com:- Dhawaqa Qarax aad u xoogan ayaa qadar daqiiqado kahor waxaa laga maqlay Laamiga Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa kadib sidoo kale la maqlay rasaas aad u xoogan.
Sida aan wararka hordhuca ah ku heleyno qaraxa ayaa ka dhaca Laamiga Maka Al-Mukarama gaar ahaan inta u dhaxeysa Hotelka Maka Al-Mukarama iyo Isgooska Shaqaalaha , waxa uuna qaraxa ka dhacay afaafka hore ee Carwada Al-Kowthar.
Gaari ayaa lagu soo waramayaa in uu halkaasi ku qarxay ,lamana oga in qaraxu yahay Ismiidaamin iyo in kale , inkastoo qaraxu ahaa mid aad u xooganaa si weyna looga malay inta badan Muqdisho, loona maleenayo in uu yahay Ismiidaamin.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:10 and have
, Published at