daajis.com:- Wafdi ka socda dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dagaal beeleed uu ka socdo.
Wafdiga ayaa ka kooban wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya, xildhibaanno iyo madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.
Cabdikariim Guuleed oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegaya in safarkoodu la xiriiro dejinta colaadda beeleed ee maalmahan ka jirtay magaalada, waxaana beelaha dagaalamaya uu ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan.
Ayada oo wafdigan uu ku sugan yahay Beledweyne, ayaa waxaa mar kale maanta dib u qarxay dagaalkii ka socda xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne ee u dhaxeeya labada beelood, kaasi oo galay maalintii saddexaad.
Dagaalladan ayaa waxaa illaa iyo iminka ku nafwaayey in ka badan 20 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 50 qof oo kale.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:01 and have
, Published at