AC-milan oo maxkamad la fuuleysa Xiddig Afrikaan sheegtay 19-jir tahriib kusoo galay Talyaaniga

AC-milan oo maxkamad la fuuleysa Xiddig Afrikaan sheegtay 19-jir tahriib kusoo galay Talyaaniga

daajis.com:- Kooxda AC Milan ayaa ku dhegan xiddig Afrikaan ah oo u ciyaarayay kooxda da’dooda ka hooseyso 19 jirada, kaasoo tahriib kusoo galay dalka Talyaaniga sanadkii 2009-kii, isla markaana wuxuu sheegay in warqadihiisii aqoonsiga ay ugu lumeen intii uu soo tahriibayay.

Masupha Yaffa, waa laacib u dhashay dalka Gambia, waxa uu AC Milan u sheegay in uu jiro 19 sano. Beenaale ayuu ahaa! Yaffa, kaas oo haatan u dheela kooxda MSV Duisburg ee Germany, da’diisa saxda ah waxa ay ahayd 28.

YusuphaLaacibka u dhashay Gambia waxaa la marsiiyey tijaabo da’da ah oo loo adeegsaday qalabka Sayniska ah ee ugu dambeeyey waxaana lagu ogaaday in uu CIMRI YAHAY!.

Gazetta Dello Sport waxa ay sheegeysaa in warkan lagu ogaaday kaddib markii saaxiibada laacibka ee ku dhaqan Gambia ay Facebook-giisa ku arkeen da’diisa, oo uu 10 sano ka jaray da’diisa saxda ah!.

AC Milan oo weeraryahanka la soo wareegtay 2013-kii, waxa ay la tiiksan doontaa maxkamad! Ciyaaryahankan ayaa inkiray dhamaan eedeeymahaan, balse macalinkii hore ee Ac-milan Filippo Inzaghi, ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo maxkamadeynta laacibkaan, sidoo kale maamulka sare ee Milan sida Adriano Galliani iyo Barbara Berlusconi, ayaa iyagana suurtagal tahay ineey ka qeyb galaan.

Tuhunka laacibkaan ama eedeeymaha loo haysto ayaa yimid, kadib markii uu bartiisa Facebooka soo dhigay qoraal uu kaga hadlaayo waxbarashadiisa, taasoo aan waafaqsaneen da’dii uu sheegtay markii ay Ac-milan lasoo saxiixaneysay heshiiska.

Hadii xidigaan lagu helo dambigan, waxa uu muteysan doonaa xukun aad u adag, sida ay qabaan sharciyaqaanada Kubadda Cagta ku xeeldheer.

Ciyaartooyda Afrika ee ka ciyaara horyaalada Yurub, ayaa dhibaato ay kala kulmaan da’da ay sheegtaan oo qaarkood dib u dhiga cimrigooda, waxaana horay loogu eedeeyay in ay dib u dhigaan dhalashadooda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada