daajis.com:- Waxaa maanta dalka Kenya la gaarsiiyay Askar dhan 30 oo kamid ahaa ciidankii lagu weeraray saldhigii Ceelcade kuwaasi oo ay ka muuqatay rafaad aad u weyn, kadib markii badankooda laga soo saaray howdka.
Askartan waxaa la sheegay inaysan qabin wax dhaawac ah balse ay naxdin ka muuqato.
Raychelle Omamo oo ah Wasiirka wasaarada Difaaca Kenya ayaa sheegtay in meydadkii askartii lagu laayey Ceelcade loo soo qaadi doono magaalada Nairobi.
Ilaa iyo hada Kenya ma aysan shaacinin tirada ciidanka kaga dhintay Ceelcade walow la sheegayo in xerada ay dagaanayeen ciidan tiro ahaan u dhaxeeya 80 ilaa iyo 250.
Ciidanka maanta la keenya Nairobi lama sheegin qaabka loo soo badbaadiyay iyo halka laga soo qaaday.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:44 and have
, Published at